Faahfaahin ku saabsan Taliyaha Ciidanka Haramcad oo xalay gurigiisa lagu weeraray

Taliyaha ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad, Farxaan Maxamuud Qaroole ayaa xalay lagu weeraray gurigiisa ku yaalo Magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Waabari.

Wararka la helaayo ayaana waxay sheegayaan in weerarkaas ay fuliyeen ku dhowaad 10 askari oo ka tirsan ciidamada Asluubta, oo watay gaari nooca Cabdi Bile ayagoona rasaas ku fureen guriga taliyaha, balse ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Sidoo kale ma cadda illaa iyo hadda sababta ka dambeysay weerarkaasi iyo u jeedka laga lahaa, laakin waxay wararka sheegayaan in ilaalada taliyaha la weeraray ay sameeyeen iska caabin.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraayo in kooxdii weeraroa geysatay lagu xiray xarunta dambi baarista CID-da aayagoona haatan su’aalo dheeraad ah lagu weydiinayo halkaasi.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email