Faahfaahinta qaraxii galabta dhacay iyo weerarkii ka dambeeyayba kaasoo dhimasho iyo dhaawacba geystay

Gabal dhicii maanta waxaa qarax xoogan lagu weeraray Hotelka Elite oo kamid ah Hotelada ugu casrisan ee ka dhisan Magaalada Muqdisho.

Hotelka oo ku yaalo xeebta Liido ee Degmada Cabdicasiis ayaa qaraxa waxaa u xigay weerar toos ah kaasoo u dhaxeeyay kooxihii weerarka soo qaaday iyo ciidamada Dowlada waxaana qaraxa iyo weerarkii xigayba ka dhashay khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Dadka weerarkaan ku dhintay ayaa waxaa kamid ah Agaasimihii Xiriirka Goboladda ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdirisaaq Cabdullaahi Cabdi sida bartiisa Facebook uu ku xaqiijiyey Agaasimaha qorsheynta ee Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Axmed. Sidoo kalana waxaa weerarka ku dhinteen ilaa iyo 15 ruux ayadoona tirada dhaawaca lagu sheegay iney kor u dhaaftay 30 qof.

Dadka weerarkaan ku dhaawacmay waxaa kamid ah wasiirka Howlaha Guud ee Galmudug Axmed Washiton, Sawirqaade Maxamad Caraaye Foorno oo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ka tirsan iyo Fanaanad Faiza Beela oo ka tirsan Kooxda Heegan.