Wararkii ugu dambeeyey qaraxii ka dhacay Muqdisho oo sababay dhimasho iyo dhaawac

Qarax xoogan kaasoo loosoo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa lagu weeraray xaruun ay ciidanka xooga dalka Soomaalia ku keeyihiin dhabarka dambe ee garoonka Stadium Muqdisho ee dagmada Warta Nabada.

Wararka ayaa sheegaya in gaari nuuca loo yaqaano Noha oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu isku qarxiyay xerada ciidanka, Guutada 12-ka April.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxa, iyadoo weli la heyn tiro rasmi ah, hase ahaatee qaar ka mid ah warbaahinta maxalliga ayaa sheegaya in ugu yaraan lix askari ku dhinteen, tiro intaa ka badan ku dhaawacmeen, balse waxa la la filayaa in khasaaraha uu intaan kabato maadaama gaariga qarxay uu xaruunta gudaha u galay.

Qaraxani ayaa kusoo aadayo xili maanta inta badan wadooyinka xiranyihiin oo ay ciidamo badan jidadka dhoobanyihiin.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email