Dr Xaawo Cabdi Dhiblaawe oo saaka ku geeriyootay magaalada Muqdisho

Allaha u naxariistee waxaa magaalada Muqdisho saaka ku geeriyooday Drs Xaawo Cabdi oo ka mid aheyd dhaqaatiirta caanka ah ee dalka.

Drs Xaawo Cabdi ayaan si rasmi ah loo sheegin sababta keentay dhimashadeeda hase yeeshee waxaa wararka qaar ay sheegayaan inuu wadnuhu istaagay.

Geerida Marxuumad Drs. Xaawo ayaa waxaa xaqiijiyay qaar kamid ah caruurtii ay dhashay iyo eheladeeda.

Waxaana ka tacsiyeeyay geerida Xaawo Cabdi dhaqaatiirka Soomaaliyeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Drs Xaawo Cabdi ayaa ahayd 73 sano jir waxana ay wax ku baratay dalka Ruushka horaantii toddoaatameeyaddii, waxaana ay caan ku ahayd xarun caafimaad oo ay ku lahayd meel u dhexeysa magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye.

Drs Xaawo Cabdi ayaa waxaa xarumo caafimaad oo kala duwan ay ku leedahay meel badan Soomaaliya ah, waxaana qaarkood ka howlgalla carruur ay dhashay.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email