Dowladda Soomaaliya oo diiday keenista Qaadka Kenya iyo wafdi Kenyan ah oo Muqdisho ku sugan

Wafdi ka socday Kenya ayaa maanta yimid magaalada Muqdisho si ay dowlada ugala hadlaan in dib loo furo qaadkii Kenya ka imaan jiray kaasoo horay Dowlada u joojisay.

Wafdigaan oo qorshihiisa ahaa dib u fasixida qaadka ayaa waxaa lagu soo waramayaa in qorshahooda uu diiday Madaxweyne Farmaajo ayadoo aanan wali la sheegin sababta Rasmiga ee ka dambeyso joojinta qaadka.

Dowlada ayaa qaadka Kenya laga keeni jiray gaar ahaan midka Muqdisho kasoo dagi jiray joojisay kadib markii uu dilaacay caabuqa Corona Virus xiligaa oo sidoo kale gabi ahaanba duulimaadyada caalamiga ah la joojiyay.

Inkastoo dowlada fasaxday duulimaadyada gudaha iyo dibadaba hadana dowlada ayaan wali fasaxin diyaaradihii Kenya ee qaadka keeni jiray.