Dowlada Mareykanka oo war kasoo saartay doorashada dalka iyo shirka Dhuusomareeb 3

Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay kaga hadashay xaalada dalka gaar ahaan doorashada soo dhaw iyo shirka Dhuusomareeb.

Safaarada ayaa qoraal ay soo dhigtay barteed Twitterka ku sheegtay iney aad u sugeyso natiijada kasoo baxdo shirka Dhuusomareeb sidoo kalana doorashada waqtigeeda ku dhacdo.

Qoraalka safaarada ayaa wuxuu imaanayaa xili shaki weyn kaga qabo qabsoomida shirka Dhuusomareeb 3 kaasoo ay kaliya naga xigto mudo hal maalin ah ayadoona ilaa haatan aysan soconin qaban qaabadii Shirka waxaana loo badinayaa inuu baaqan doono.

Sidoo kale waxaa la fahamsanyahay in Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo xubnaha Baarlamaanka ay doonayaan mudo kororsi maadaama aysan doorashada qof iyo cod ku dhici karin waqtiga u haray dowlada balse mucaaradka ayaa doonayo doorasho dadban oo waqtigeeda ku dhacdo.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email