Dowlada Federaalka Soomaaliya oo ciidamo hor leh geysay Gobolka Gedo

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa ciidamo cusub geysay gobolka Gedo gaar ahaan degmada Doolow.

Ciidamadaqn oo magaalada Muqdisho laga daabulay ayaa waxaa halkaasi lagu geeyay diyaarad ayagoona ku biiri doono ciidamadii Dowlada horay uga joogay gobolkaas.

Ciidamada Haramcad kuwa Gorgor iyo Milatariga Soomaaliya ayaana dhaqdhaqaaq Milatari halkaas kawado waxaana xusid mudan in ciidamadaas ay horay isugu dhaceen ciidamada Maamulka Jubbaland.

Dowlada Federaalka iyo Maamulka Jubbaland ciidamo kala taabacsan ayaana horay ugu dagaalamay deegaankaas inkastoo dhawaan uu wadahadal ku dhex maray magaalada Dhuusomareeb.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email