Dhuusomareeb: Madaxweyne Farmaajo oo haatan shir la leh madaxda Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeele

Waxaa magaalada Dhuusamareeb laga filanayaa inuu ka furmo wajiga sadaxaad ee shirka Dhuusomareeb kaasoo labadii waji ee hore qodobo muhiim ah lagu heshiiyay walow xukuumadii meesha ka baxday.

Haatan waxaa magaalada Dhuusomareeb ku sugan Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Madaxweynaha Hirshabeele iyo Madaxweynaha Galmudug waxaana lagu soo waramayaa in shir afar geesood ah haatan uga socdo madaxtooyada Dhuusomareeb.

Shirkaan ayaa waxaa ka maqan Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweynaha Jubbaland kuwaasoo ku kala maqan dalalka Jabuuti iyo Kenya waxaana lagu wadaa in iyagana dhawaan Dhuusomareeb soo gaari doonaan.

Shirka afar geesoodka ah ee haatan Dhuusomareen ka socdo ayaa waxaa looga hadlayaa caqabadaha hortaagan shirka Dhuusomareeb 3 kaasoo lagu wado in maanta uu furmo.

Wixii war ee kusoo kordha halkaan kala soco.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email