Degdeg: Wasiir Goodax Barre oo qarax miino ka badbaaday

Wararka naga soo gaarayo gobolka Gedo ayaa sheegayo in siihayaha xilka wasaarada waxbarashada Cabdullaahi Goodax Bare maanta qarax lagula eegtay inta u dhaxeyso Beledxaawo iyo Doolow gaar ahaan deegaanka Uunsi.

Qaraxa oo ahaa Miinada nooca dhulka lagu aaso ayuu Wasiir Goodax ayaa sida lagu waramaayo ka badbaaday balse Miinadii ayaa waxay la qaraxday mid kamid ah gawaridii kolonyada aheyd ee Wasiirka la socotay.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in gaariga miinada la kacday ay saarnaayeen xildhibaanada kala Maxamuud Cali magan iyo Cabdicasiis Dhaga-qool, ayagoona qaraxaasi uu dhaawac kasoo gaaray.

Xildhibaanada dhaawacmay ayaa diyaarad lagu soo qaaday si loogu daweeyo isbitaalada Muqdisho, halka Wasiir Goodaxna uu si nabad ah ku gaaray Degmada Doolow oo uu ugu socday inuu dhagax dhigo mashaariic lagu hormarinaayo Dugsiyada waxbarashada Gobolka Gedo.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email