Qarax xoogan oo ka dhacay wadada 21 Octobar iyo faahfaahinta qaraxaasi la xiriirto

Qarax xoogan ayaa daqiiqado kahor ka dhacay wadada 21 Octobar, xili jugtiisa ay cusleyd kaasoo siweyn looga maqlay dagmooyinka Waaberi, Hodan iyo Wadajir.

Qaraxaan oo ahaa Miino nooca jidka la dhigo ah ayaa ku qaraxday gaari SURF ah oo marayay Waddada 21 Octobar, Waxaana ilaa haatan jira hal qof oo ku dhaawacmay ayadoona wax dhimasho ah aysan jirin sida la xaqiijiyay.

Ma jiraan faahfaahin intaas ka baxsan oo laga heli karo balse wixii kusoo kordho dib ayaan idin kala wadaagi doonaa.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email