Magaalada Baladweyne oo loo magacaabay duq cusub

Maxamed Cali Caadle wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo dowladaha Hoose ee Maamul goboleedka Hirshabeelle ayaa maanta xilka qaadis ku sameeyay duqii magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, isagoona duq cusub magacaabay.

Wareegto kasoo baxday cafiiska Wasiir Caadle ayaa waxaa xilka fuqa cusub ee Baladweyne loogu magacaabay Nadar Tabaax Maalin, waxaana xilkaas horey u heysay oo laga qaaday Safiya Xasan Jimcaale.

Dhammaan shacabka, hay’addaha amniga, iyo golaha shacabka ee magaalada beledweyne ayaa waxaa la faray inay la shaqeeyaan mas’uulka cusub ee loo Mmagacaabay fuqa Baladweyne, si uu u guto waajibaadkiisa shaqo.

Duqii hore ee Baladweyne Safiya Xasan Sheekh Cali Jimcaale ayaa mar soo noqotay guddoomiyaha degmada Shibis ee gobolkan Banaadir, waxaana xilka duqa magaaladaas loo magacaabay 27-ka bishii 5-aad ee sanadkii tagay ee 2019.


Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email