Wararkii ugu dambeeyey qarax goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho

Qarax xoogan kaasoo dhawaaqiisa laga maqlay inta badan magaalada Muqdisho ayaa goor dhaw ka dhacay Degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ka dhacay dhanka Isbitaalka Deva oo ku dhow isgoyska Tarabuunka waxaana lagula eegtay gaari noociisa yahay kuwa aana xabbadu karin (Bullet Proof) kaasoo goobta maraayay.

Inta la ogyahau qaraxa waxaa ku dhaawacmay wiil Moota Bajaajle ah kaasoo goobta marayey, mana jiraan ilaa haatan khasaaro dhimasho ah.

Mudooyinkaan dambe waxaa magaalada kusoo badanaayay qaraxyada tan iyo sidii loo riday xukuumadii Re’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email