Degdeg: Dab xooggan oo goor dhoweyd ka kacay goob ganacisi oo Muqdisho ku taal

Dab aad u xoogan ayaa ka kacay Goomiiste lagu aaryeeyo taayarada baabuurta ama gawaarida oo ku yaalla agagaarka Taaladda Daljirka daahsoon ee degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

Dabkan ka kacay xarunta Goomiistaha ayaa waxaa uu ahaa mid muddo kooban socday, isla markaana dadaalo dheeraad ah oo la sameeyay kadib lagu guuleystay demintiisa.

Uuro iyo qiiq madow ayaa Cirka isku shareeray, taasi oo laga arkayay meelo aad uga fog goobta uu dabka ka kacay, waxaana goobta uu dabku ka kacay gaaray gaadiidka dab demiska maamulka gobolka.

Waaxda dab demiska iyo dadweyne farabadan ayaa ku guuleystay deminta dabka, isla markaana waxaa gabi ahaan burburtay goobtii Goomiistaha aheyd ee dabku qabsaday.

Dad ku sugnaa agagaarka goobta Goomiistaha xiligii uu dabku kacayay ayaa xaqiijiyay in suurtagal ay tahay in dabkaas uu ka dhashay koronto, mana jiro khasaaro nafeed oo ka dhashay dabka, waxaana jiro oo kaliya mid hantiyeed.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email