Degdeg: Koox burcad badeed Soomaali ah oo afduubtay markab Imaraadka ka yimid

Burcad badeed Soomaali ah ayaa afduubteen markab laga leeyahay dalka Panama balse badeeco usoo siday magaalada Muqdisho.

Marka oo dhawaan kasoo baxay magaalada Dubai ee Imaaraatka Carabta ayaa kusoo wajahnaa magaalada Muqdisho balse intii uu biyaha Soomaaliya soo dhexmaraayay ayaa waxaa afduub u geysteen kooxo Burcad Badeed ah.

Burcadaan ayaa la sheegay inay ahaayeen lix nin oo hubeysan ayagoona markabkii la wareegay.

Tan ayaa waxay kusoo aadeysaa ayadoo maalintii shalay aheyd hogaanka taliska ciidamada isku dhafka ah kuwaasoo ilaaliya xeebaha Soomaaliya ay ka wareegeen Sacuudiga, ayagoona kala wareegay Faransiiska.

Ciidamadaan isku dhafka oo dalal badan ka kooban ayaa waxaa loo yaqaana CTF-150 waxaana la aasaasay bishii Agoosto 2008dii xiligaa oo dalka ay aad ugu bateen afduubka maraakiibta mara biyaha Soomaaliya, waxaana taliska marba la wareega hogaankiisa mid kamid ah dalalka ciidamada ka joogaan.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email