Dagaal culus khasaarana dhaliyay oo ka socdo gudaha Xabsiga Dhexe ee Dowlada

Dagaal culus ayaa haatan wuxuu ka socdaa gudaha xabsiga dhexe ee dowlada kadib markii ay halkaas isku fara saareen qaar katirsan maxaabiista xabsiga oo gacantooda hub galay iyo ciidamada ilaalada xabsiga.

Dagaalka ayaa sida wararka sheegayaan waxaa ku geeriyooday todobo qofood kuwaasoo ay sadax kamid ah ahaayeen ciidamada ilaalada xabsiga dhexe.

Ilaa iyo hada ma cada sida ay maxaabiista xabsiga dhexe ku heleen hubka oo uu gacantooda ku galay, balse waxaa goobta gaaray ciidamo gurmad ah kana tirsan laamaha amaanka dowlada, xili maxaabiistii hubeysneyd wali ay ku jiraan gudaha xabsiga.

Wixii war ee kusoo kordho dib ayaan kasoo sheegi doonaa.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email