Dab xoogan oo maalintii afaraad ka socdo keymaha California ee dalka Mareykanka

Wararka naga soo gaarayo Mareykanka ayaa sheegayo in Dab xoogan uu ka kacay keymaha gobolka California ee Mareykanka asigoona maalintii 4aad la damin la’yahay wuxuuna dabkaas isku fidiyay dhul lagu qiyaasay 12 kun oo Hiktar.

Howsha dab daminta ayaa waxaa ka qeyb qaadanayo 6 diyaaradood oo dab damis ah 9 Helikabtar iyo 50 baabuur nooca dab damiska walina wax maaro waa loo la’yahay dabkaan oo arbacadii bilowday.

Ilaa haatan ma jiro wax khasaaro nafeed oo uu dabkaan geystay balse waxaa ku burburay ilaa 4 dhisme asigoonaa haatan sidoo kale halis galinayaa in kabadan shan kun oo guri waxaana sidoo kale aad u adag in lagu guuleysto damintiisa maadaama heer kulka cimilada gobolka uu dabka ka kacay ay aad u sareeyo.

Wixii warar kusoo kordho kala soco Xorriyo Online.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email