Kiisas cusub ee cudurka COVID-19 oo laga helay deegaanada Puntland

Kiisaska cusub ee cudurka safmarka Coronavirus ayaa laga helay magaalada Garoowe ee xaruunta maamulka Puntland.

Wasaarada Caafimaadka Puntland ayaa sheegtay in baaritaan lagu sameeyay 60 ruux todobo kamid ah cudurkaan laga helay ayadoona dhammaan dadka cudurka laga helay ay ku suganyihiin magaalada Garoowe, kuwaasoo da’dooda u dhaxeyso 27 sano ilaa 40 sano.

Tani ayaa waxay ka dhigantahay in kiisaska cudurkaan ee la diiwaan galiyay ilaa haatan laga helay dadka ku nool deegaanka Puntland ay kor u dhaaftay 40 oo ruux ayadoona ay sagaal kamid ah u geeriyoodeen halka 204 ruuxna kasoo bogsadeen.

Arintaan ayaa waxay kusoo aadeysaa xili dowlada federaalka Soomaaliya ay qaaday xayiraadii Covid19 ayadoona dhammaan duulimaadyadii gudaha iyo dibada la fasaxay sidoo kalana waxaa la fasaxay iskooladii iyo goobaha waxbarasho.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email