Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya oo Al-Shabaab ka saaray degmada Kuntuwaarey

Ciidanka Kumaandooska ee sida gaarka u tababaran ee DANAB ayaa howlgal qorsheysan ku qaaday degmada Kuntuwaarey ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka Ciidamada ku qaadeen Kuntuwaarey maanta oo jimco ah ayaa qeyb ka ahaa howlgalada muddooyinkii u dambeeyay ka socday Gobolka Shabeellaha Hoose.

Saraakiil ka tirsna ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in howlgalka uu weli socdo, ciidamada Danab ay la wareegeen degmada Kuntuwaarey.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalamayaasha Alshabaab ay u baxsadeen dhanka deegaanka Sablaale.

Degmada Kuntuwaarey ayaa sanadkii 2015 waxaa la wareegay Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AMISOM, inkastoo ay isaga soo baxeen, AlShabaabna ay dib u qabsatay.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email