Ciidamada amniga oo soo afjaray weerarkii Hotel Elite iyo wararkii ugu dambeeyey

Ciidamada amniga ayaa ku guuleystay in ay soo afjaraan weerar ay dabley hubeysan oo ka tirsan Alshabaab ku qaadeen Hotel Elite ee magaalada Muqdisho.

Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada waxaa la diley dhammaan dableydii weerarka geysatay oo tiradooda lagu sheegay illaa afar ruux.

Hotelka ayaa laga soo saaray dad ku go’odoonsanaa kuwaasoo isugu jirey dad hotelka degenaa,shaqaalaha hotelka iyo dadweyne kale.

Ma jirto illaa iyo hadda tirakoob rasmi ah oo sheegaya heerka uu gaarsiisan yahay waxyeelada ka dhalatay weerarkan.

Dad gaaraya illaa toban ruux ayaa la rumeysan yahay inay ku geeriyoodeen weerarkan oo ku bilowday qarax gaari oo lagu dhuftey hotelka halka dhaawacuna uu ka badan yahay soddon ruux.

Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada weerarka Hotel Elite iyadoo weerarkaasina ay cambaareysay dowlada federalka.

Hotel Elite ayaa ka mid ah hotelada ugu waaweyn ee dalka isagoo ku yaal goob isitiraatiiji ah kuna dhegen xeebta Liido.

Hotelka ayaa waxaa leh  Cabdulaahi Maxamed Nuur oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya horena u soo noqday Wasiiru Dowlaha Maaliyada dowlada federalka Soomaaliya.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email