Cabdiraxmaan Cabdishakuur; “Soomaaliya hal qaswade ayay leedahay waana Farmaajo”

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir ahna musharaxa madaxweynenimo ee doorashada soo socoto Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaalia Maxamad Cabdullaahi farmaajo ku tilmaamay inuu yahay qaswadaha uu dalkaan ka dagi la’yahay.

CCW ayaa qoraal uu bartiisa Facebooga soo dhigay ku sheegay in Soomaaliya hal qaswade leedahay kaasoona ah Madaxweyne Farmaajo.

Hadaba halkaan hoose ka akhriso qoraalka;

“Qaswade waxaa ah ninka aan weligiis cidna la heshiinin, burburiyey natiijadii shirkii Dhusamareb 1 iyo 2, Raysalwasaarihiina 7 daqiiqo ku eryey, kuna adkaysanaya in uu natiijada shirka Dhuusmarreeb 3 dib ugu celinayo Baarlamaan muddo kororsi doonaya. Haddii aan indhaha la is tiraynin, dalkaan qaswade aan Madaxweyne Farmaajo ahayn ma jiro.”

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email