Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Madaxweyne Farmaajo ugu baaqay inuu deg deg Ra’iisul Wasaare u magacaabo

Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Wadajir Party Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaana dhaliil xoogan usoo jeediyay in Madaxweyne Farmaajo uusan wali magacaabin Ra’iisul wasaarihii dalka maamuli lahaa.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaana sheegay in madaxweyne Farmaajo uu dastuurka ku tumanaayo isla markaana jabiyay dhaqankii soo jireenka ee 4.5 kaasoo ahaa awood qeybsiga beelaha, asigoona ugu baaqay madaxweynaha in dagdag usoo magacaabo Ra’iisul Wasaare.

Qoraalka CCW halkaab hoose ka akhriso;

Dastuurka qodobbadiisa kuwana waa qoran yihiin, kuwa waa curfi iyo soo jireen. Tusaale ahaan, awood qaybsiga 4.5 ma aha qodob dastuuri ah oo qoran. Madaxweyne Farmaajo in uu noqdo madaxweynihii ugu horreeyey ee jebiya soo jireenkii dastuuriga ahaa, waxey xoojineysaa dhaqankiisii dastuur ku tumashada ahaa. Waxey kaloo tilmaam ka bixineysaa ninkii 30 beri ixtiraami waayey, in aan laga sugaynin in uu aqbalo in 4-tii sano ka dhammaatay. Ninka aan dastuur ixtiraamaynin maxaa lagu aaminayaa in uu dhowro? Madaxweyne dastuurka ilaali oo magacow raysalwasaare dalka ka bixiya xilliga kala guurka.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email