Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo lagu soo dhaweeyay magaalada Dhuusomareeb iyo ujeedka socdaalkiisa

Hogaamiya Xisbiga Wadajir Party Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusomareeb ee xaruunta Maamulka Galmudug.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Wafdi katirsan Xisbigiisa oo uu hogaaminayo ayaana waxaa halkaa kusoo dhaweeyay xildhibaano, Wasiiro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Galmudug.

Ujeedka Socdaalka Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaana ah inuu kulamo la qaato madaxda sare ee Galmudug iyo waliba qeybaha Bulshada halkaasi ku dhawan, waxaana lagu wadaa in magaalada Dhuusomareeb uu uga sii gudbo magaalada Guriceel halkaa oo ayadana uu kula kulmi doono masuuliyiinta Guriceel.

Socdaalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaana imaan doono ayadoo dhawaan magaalada Dhuusomareeb laga soo saaray war murtiyeed ku aadan nooca doorasho ee uu dalka gali doono 2021da xili xisbiga Wadajir soo dhaweeyeen.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email