Cabdikariin Guuleed oo ka hadlay War murtiyeedka kasoo baxay Shirka dhuusomareeb 3

Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Guuleed ayaa ka hadlay aragtidiisa ku aadan shirkii Dhuusomareeb ee laga soo saaray go’aanka doorashada cusub ee 2021da asigoona soo dhaweeyay.

Qoraal uusoo dhigay bartiisa Facebooga ayuuna sidaan kusoo qoray;

Waxaan soo dhoweynaya qodobbada heshiiska Dhuusamareeb3 oo dalka u jiheynaya doorasho la jaan qaadi karta waqtiga dhiman iyo duruufaha jira. Heshiiska waxaa ka muuqata inuu bilaaw fiican u yahay qabsoomidda doorashada wadar-ogol ah, wuxuuna daboolaya walaacii ummadda Soomaaliyeed ka qabtay hubanti la’aantii xilliga kala guurka ah.

Waxaan indhaha laga qabsan karin culeyska ay leedahay maqnaanshaha dowlad gobaleedyada Puntland iyo Jubbaland oo muhiim u ah wadajirka dalka iyo geeddi socodka doorashooyinka. Waxaana ku baaqayaa in la raadiyo oo lagu qanciyo hanaan suuro gelin kara dib eegis lagu sameeyo qodobada heshiiska si uu u noqdo mid loo dhan yahay oo taabo-gal ah.

Heshiiskan waxaa ku jira qodobbo badan oo u baahan dib-u-habeyn iyo tafaasiil dheeri ah, sida maamulka doorashooyinka iyo qaab xulista ergooyinka. Waxaa kaloo ka maqan kaalintii Xisbiyada Siyaasadda oo ah iyagu kuwii ku tartami lahaa doorashada loo adeegsanayo heshiiskan. Haddaba maadaama ay muuqato in aan laga maarmi doonin in habraac faahfaahsan loo sameeyo heshiiska oo qodobbada qaar la turxaan bixiyo, waxaan soo jeedineynaa in tallada lagu biiriyo xisbiyada siyaasadda inta aan Baarlamaanka loo gudbin.

Waxaan markale xoojinayaa muhiimadda ay leedahay in si dhaqso ah heshiiskan uu helo midnimo siyaasadeed, lana siiyo mudnaan gaar ah dadka aan looga maarmin hirgelinta doorasho la isla ogol yahay loona dhan yahay ,si uusan waqti kale uga khasaarin dalka iyo in laga fogaado in danno kale oo gaar ah loo adeegsado heshiiskan.

Gabagabadii waxaan u mahadcelinayaa maamulka iyo shacabka reer Galmudug oo ayagu martigaliyey qeyb weyna ku lahaa qabsoomidda shirarkii Dhuusamareeb ee is xigxigay.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email