Beesha Caalamka oo fariin u dirtay maamulada Puntland iyo Jubbaland digniina soo saartay

Xorriyo Online

Beesha caalamka ayaa maamulada Puntland iyo Jubbaland ugu baaqday iney kasoo qeyb galaan shirka Dhuusomareeb 3, ayagoona sidoo kale sheegtay inaan marnaba la aqbali doonin noockasta oo heshiis kaasoo aysan qeyb ka aheyn dhammaan saamileyda siyaasada.

“Saaxiibada Soomaaliya Waxay sidoo soo dhoweynayaan billowga hawsha guddiga farsamo ee wadajirka ah ee loo xilsaaray diyaarinta xulashooyinka hanaan doorasho oo la isugu tanaasulay oo la isku afgarto si madaxu uga baarandegaan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Saaxiibadu waxay ku nuuxnuuxsanayaan inay muhim tahay in dhammaan madaxdu ay ka qaybqaataan shirmadaxeedkan si loo sii wado geeddi socodka dhisidda isafgarad wadar ogol ah, loona soo saaro heshiis ballaaran oo laga gaaro hanaanka doorashooyinka federaalka 2020/21 oo qanciya dhammaan saamilleyda Soomaaliyeed,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka.

“Waxay dhammaan madaxda xusuusinayaan muhiimadda ay leedahay ilaalinta horumarka laga gaaray dowlad-dhisidda Soomaaliya iyo ka soo bixidda ballammadii horey loo galay.”

Ugy dabeyn Beesha Caalamka ayaa ka digtay in la isku dayo in la meel-mariyo nooc doorasho oo aan raali laga wada ahayn.

“Iyadoo tan la eegayo, saaxiibadu waxay mar kale adkeynayaan in isku day kasta oo uu ku kaco mid keliya ama qaar yar oo ka mid ah saamilleyda oo si qasab ah loogu mariyo qaabab doorasho uusan yeelan doonin sharciyad isla markaana aan laga hirgelin karin iyadoo aan taageerada lagama maarmaanka ah laga helin dhammaan saamilleyda kale,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Saaxiibadu waxay si dhow ula socdaan waxyaabaha ka soo kordha kulanka magaalada Dhuusamareeb, waxayna dabagal ku sameynayaan tallaabooyinka lagu heshiiyo waxayna diyaar la yihiin inay bixiyaan hadba taageerada ay ka codsadaan dhammaan ka qaybgalayaasha si loo fududeeyo hirgelinta.”

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email