Banaanbax xoogan oo ka dhacay magaalada Beydhabo

xorriyo Online

Banaan bax xoogan oo looga soo horjeedo falalka kufsiga ayaa maanta ka dhacay magaalada Beydhabo.

Dadka banaanbaxayay ayaa siweyn uga careysnaa falalka anshax xumada ee kufsiga wiilasha yar yar kaasoo dhawaan ka dhacay magaalada Beydhabo.

Todobaadkaan gudihiisa ayaa magaalada Beydhabo lagu kufsaday labo wiil oo yar yar taasoo kaliftay in mid kamid ah wiilashii yar yaraa uu geeriyoodo ayadoona gacanta lagu soo dhigay dambiilayaashii falkaas ka dambeeyay.

Ciidamada ammaanka magaalada Beydhabo ayaana shalay toogasho ku dilay labadii nin ee falkaas kufsiga lagu eedeeyay, waxayna dadka banaan baxayo aad uga soo horjeedeen falalkaas anshax xumada ee magaalada kusoo batay ayagoona maamulka Koonfur Galbeed ugu baaqay iney gacan bir ah ku qabtaan cid kasta oo fal ceynkaasi ku kacdo.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email