Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo kusoo wajahan Magaalada Muqdisho

Madaxweynayaasha maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa lagu soo waramayaa in maalmaha fooda nagu soo haayo soo gaaraan magaalada Muqdisho.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo labadaas maamul kala hogaamiyaan ayaana haatan ku sugan magaalada Garoowe halkaa oo uu shir uga socdo, waxaana lagu wadaa in Axmed Madoobe dib ugu laabto Kismaayo maanta, si ay ugu diyaar garoobaan safarkooda Muqdisho.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaayo in shir wadatashi oo ay beesha caalamka garwadeen ka tahay isugu imaan doonaan madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah, shirkaasoo ka dhici doono xaruunta Xalane.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaana qaadacay war murtiyeedkii kasoo baxay shirkii Dhuusomareeb 3 kaasoo lagu soo saaray nooca doorasho ee uu dalka gali doono, waxaana saxiixay Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamulada kala ah, Galmudug, Hirshabeele, Koonfur Galbeed iyo waliba Maamulka Gobolka Banaadir.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email