Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo kulan Xaasaasi kuleh Magaalada garoowe

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ku wajahan maanta Magaalada Garoowe ee xaruunta Maamulka Puntland, halkaas oo uu kulan kula qaadan doono Madaxweyne Saciid Deni.

Kulankaan labada Madaxweyne ayaana looga hadli doonaa xaaladii ugu dambeysay ee dalka gaar ahaan war murtiyeedkii dhawaan kasoo baxay shirkii Dhuusomareeb 3 kaasoo ay madaxweynayaashaan ka maqnaayeen kadib markii ay diideen ka qeybgalkiisa.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa iney kawada hadlaan doorashada cusub ee dalka ka dhici doonto ayagoona lagu wado iney bayaan ay ku mideysan yihiin halkaas kasoo saaraa. Waxaana macquul ah in Shirkaan garoowe ka dhacaayo kusoo biiraan qaar kamid ah Xisbiyada Siyaasadees ee dhaliilsan war murtiyeedka shirka Dhuusomareeb 3.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email