Al-Shabaab oo gaari Dhuxul siday ku gubay duleedka Degmada Afgooye


Wararka naga soo gaarayo Duleedka Afgooye ayaa sheegayo in Alshabaab ay halkaasi ku gubeen gaari dhuxul siday kaasoo ganacsato u rarnaa.

Alshabaab ayaana gaariga ku gubay duleedka Degmada Afgooye taasoo ka tirsan Gobolka shabeelada Hoose, ayagoona gaari iyo Dhuxushiisaba isla gubay.

Ilaa iyo haatan wax war lagama haayo dadkii gaarigaan la socday iyo ganacsatadii Dhuxusha laheydba hase yeeshee warar ayaa sheegaayo in ay gacanta ugu jiraan Al-Shabaab.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email