Abdirahman Abdishakuur oo sheegay in hey’ada NISA qorsheysay weerarkii shalay ka dhacay Xabsiga Dhexe

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Candishakuur Warsame ayaa sheegay in weerarkii shalay ka dhacay Xabsiga Dhexe ee Dowlada uu ahaa mid ujeedo gaar ah laga lahaa.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo saaka shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in weerarkii Xabsiga Dhexe uu ahaa mid ujeeddo gaar laga lahaa asigoona tibaaxay in weerar ay fududeysay Hey’adda NISA, si loo fakiyo xubno Shabaab ah Xabsiga ku xirnaa, isagoo intaa ku daray in hub loo dhex geliyay xabsiga.

Hadalka hogaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa imaanayo xili shalay Xabsiga Dhexe uu ka dhacay weerar la isku adeegsaday hubka kaasoo u dhaxeeyay qaar kamid ah maxaabiista xabsiga iyo ilaaladii xabsiga waxaana meesha ka dhacay khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Sii hayaha xilka Ra’iisul Wasaare Mahdi Guuleed ayaana maanta magacaabay gudi ka shaqeeyo baaris ku sameynta shaqaaqadii shalay dhacday.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email