Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo sheegay in madaxweyne Farmaajo la aamin karin

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay aragtidiisa ku aadan shirka Dhuusomareeb 3 asigoona sheegay habka uu shirkaasi ku qabsoomi karo hadii loo baahanyahay in xalwaara la faaro.

Abdirahman Abdishakur ayaana sheegay in marka waajib tahay magacaabida Ra’iisul wasaare soo dhisa xukuumad hirgaliso qodobada lagu heshiiyay sidoo kalana beesha caalamka ay damiin ka noqoto Madaxweyne Farmaajo maadaama aanan go’aankiisa la isku haleyn karin.

Qoraalka Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir halkaan hoose ka akhriso;

“Ma aha in la isku qaldo gogol, guddoon iyo go’aan.

Galmudug waxey fidisay gogol, inta kalena gogoshii Dhuusamarreeb 1 iyo 2 soo ajiibeen. Sababta Puntland iyo Jubbaland ay u diideen in ay gogosha Madaxweyne Farmaajo ee Muqdisho aqbalaan waa in ay isku haleeyeen Dhuusamarreeb oo ay u arkayeen in ay dhexdhexaad ah tahay, kama marnayn in dadka deegaanka dan siyaasadeed lagu xeerto.

Laakiin Guddoonka shirka waxaa leh Madaxweyne Farmaajo oo ka naxsanaa guulaha Dhuusamarreeb 1 iyo 2. Wuxuuna u tafa xaytay in uu fashiliyo, isagoo inkiray heshiiskii Dhuusamarreeb 1 iyo 2, kuna dooday in heshiis horay loogu gaaray Baydhabo June 2018. Sharci darro ayuu ku riday Raysalwasaarihii, isagoo ku qoonsaday maxaad qayb uga ahayd guusha shirka Dhuusmarreeb, wuxuuna ku bedeshay mid xil gaarsiin ah oo dastuurka meelna kaga ool. Waa guddoon gogol dhaan ah.

Intaa kuma ekeysan ee Farmaajo go’aankii wuxuu siiyey gole muddo xileedkiisii dhammaaday, isagoo sheegay in heshiiska lagu gaaro Dhuusamarreeb 3 uu Golaha Shacabka go’aaniisa leeyahay.

Ujeedka Farmaajo waa in uu Dowlad Goboleedyada kala dilo, shirka Golaha Ammaanka ee 20 bishan dhacaya heshiis been been ah ku dhaafo, islamarkaana uu ku eed la’aado.

Haddaba ma gardarna ninkii ka biya diida guddoonka gogol dhaanka ah, kana dhiidhiya go’aanka la siiyey Golaha (Baarlamaanka) ee muddo xileedkiisu dhammaaday, dalbadanna in la magacaabo RW si dheellitiranka siyaasadda la dhowro.

Xeerka Ninka gogosha dhigay waa in uusan dhinacna la safan, gar eexeedna gelin, godob ka gelin raga jaalkiisa ah oo shalay wax ku xeertay, dushana u ridan eed nin kale leeyahay.

Si gogosha loo badbaadiyo waa in Madaxweyne Farmaajo uu Raysalwasaare magacaabo, madaxweynaha Galmudug-na uu dadka maqan doono, beesha caalamkana caddeyso in ay Farmaajo damiin ka tahay.”

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email