Nin wiilkiisa ku dilay magalaada Jowhar oo la soo qabtay

Ciidamada booliska dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa gacanta ku soo dhigay aabe Soomaaliyeed oo wiilkisa xalay ku dilay magaalada jowhar ee xarunta gobalka sheellaha dhexe.

Aabahaan oo lagu magacaabo Maxamed Dhayoow aya xalay wiilkisa oo lagu magacaabi jiray marxuum, Xasan Maxamed Dhaayoow ku riday Webiga Shebeelle.

Aabahaan ayaana lagu soo xiray saldhiga booliska magalaada Jowhar, asigoona haatan ay ku socoto baaris la xiriirta sababta uu falkaan ugu kacay iyo waxa ku kalifayba.

Dhanka kale, sarakiish amniga magaalada Jowhar ayaa sheegay in eedeysanaha hada uu ku jiro gacanta ciidamada amniga baaritaana uu ku soco wixii ka soo kordhana ay warbahinta la soo wadaagi donaan.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email