Agaasimihii Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada ee ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre oo xilka iska calisay

Agaasimaha Warfaafinta Iyo Xiriirka Bulshada ee xafiiskii ra’isul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre ayaa maanta iska casilay xilkii uu hayey.

Agaasime Calinuur Salaad Ayaa kamid ahaa masuuliyiintii ugu dhowaa ra’isul wasaare Kheyre wuxuuna boos xileedka uu maanta banneeyay soo hayey muddo Kudhowaad saddex sano ah.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in xafiiska warfaafinta ra’iisul wasaaraha lagu biiriyo kan madaxtooyada, si looga hortago in ra’iisul wasaaraha cusub uu yeesho xiriir bulsho oo toos ah.

Warar hoose ayaa sheegaya in la filan karo inay shaqada ka tagaan la taliyayaashii ku dhowaa ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre, kadib markii shaqada laga ceyriyay xoghayihii xafiiska.

Arrintaan ayaa u ek mid lagu bartilmaameysano mas’uuliyiintii iyo shaqaalihii la soo shaqeeyey Xasan Cali Kheyre.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email