Xildhibaano badan oo la kulmay madaxweyne Farmaajo iyo arrimo xasaasi oo laga hadlay

Xildhibaano tirsan baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya oo tiro ahaan gaarayay ku dhawaad 60 xildhibaan ayaa xalay kulan xasaasi ah la qaatay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyaga oo kala hadlay arrimo kala duwan oo quseya xaaladda dalka.

Kulankaan oo ka dhacay madaxtooyada Soomaaliya ayaa ah mid xildhibaanadu ay ka dalbadeen madaxweynaha waxaana si gaar ah looga hadlay xaaladda kala guurka ah ee dalka iyo sida loo maareynayo, iyo sidoo kale hirgelinta sharciyadii ay meel mariyeen golaha shacabka.

Qaar ka mid ah xildhibaanada ka qeybgalay kulankaas lana hadlay warbaahinta waxa ay sheegeen in uu ahaa mid ay uga tashanayeen sidii dalka ay uga dhici laheyd doorashoxor iyo xalaal ah iyada oo ay ku dhaceyso qof iyo cod maadaama ay golaha shacabku ansixiyeen sharciga doorashooyinka madaxweynaha Soomaaliyana uu saxiixo.

Kulanka xildhibaanadaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ay la qaateen madaxweynaha Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli madaxweynayaasha maamul gobaleedyada kulan ay ku yeesheen magaalada Dhuusamareeb ay ku shaciyeen in doorasho qof iyo cod ah aysan ka dhici karin dalka, madada dowladda iyo kuwa maamul gobaledyadana ay shir looga hadlayo arrimahaas ay ku yeelanayaan Dhuusamareeb.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo maanta ka hadlay kulankii golaha ayaa si adag uga hor yimid go’aankii ay dhawaan isku raaceen madaxda dowlad goboleedyada dalka oo ku baaqay in doorashada dalka laga wadatashado, maadaama aysan dhici karin doorasho qof iyo cod ah.

“Ma aqbali karno doorasho dadban iyadoo aan ansixinay sharcigii doorashada, ma jirto meel ay wakhtigaan ku qoran tahay in la aado doorasho dadban. Baarlamaanka ayaa iska leh sharci walba ee doorasho lagu aadi lahaa, ma ahan wax khuseeya maamul goboleedyada” ayuu yiri Guddoomiye Golaha Shacabka Maxamed Mursal.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email