Xasan Cali Kheyre oo dib ugu laabtay magaalada Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyey

Xasan Cali Kheyre oo howlo shaqo u joogay caasimadda Galmudug ayaa si degdeg ah ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kadib kulan uu maanta golaha baarlamaanka kalsoonidi kala laabteen xukuumaddii uu hoggaaminayey.

Kheyre oo safarkiisa ay ku weheliyeen xubno kamid ah golaha wasiirada iyo xildhibaano ayaa durbo gaaray Madaxtooyada oo degaan u ah.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Xasan Cali Kheyre oo ku saabsan xilka qaadistiisa. Ilo wareedyo muhiim ayaa noo xaqiijiyey in saacadaha soo socdo laga yaabo uu Xasan Cali Kheyre qabto shir jaraa’id uu kaga hadlo doono mowfiqkiisa ku aadan xil ka qaadista lagu sameeyey.

Mahdi oo loo magacaabay ra’iisal wasaare ku meel gaar ah

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ugu igmaday Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ahaa Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya sii socodsiinta iyo maareynta howlaha Golaha Xukuumadda si kumeel gaar ah.

“Wareegtada Madaxweynaha ayaa ku saleysan in aanu hakad gelin qorsheyaasha dowlad-dhiska iyo horumarinta dalkeenna tan iyo inta Madaxweynuhu uu ka soo magacaabayo Ra’iisul Wasaare soo dhisaya Xukaamad tayo leh oo sii dardargelisa xaqiijinta yididiillada shacabka Soomaaliyeed”, ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha

Farmaajo oo aqbalay xil ka qaadista ra’’sial wasaare Kheyre

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa sheegay inuu aqbalay go’aanka Golaha Shacabka ay xilka kaaga qadeen ra’iisal wasaare xasan cali Kheyre.

“Kala fogaanshaha Xukuumadda iyo hay’adda sharci dejinta waa mid wiiqeysa horumarkii la sameeyay, si taas loo daba qabtana waxaan go’aansaday inaan tixgeliyo codka Golaha Shacabka oo ah hay’adda aasaaska u ah qarannimadeenna.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay inuu si degdeg ah usoo magacaabi doono “Ra’iisul Wasaare soo dhisa xukuumad dalkan ka saarta marxaladdan kala guurka ah”

Madaxweynaha ayaa uga magadceliyay ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre “hawlkarnimadii uu muujiyay muddadii uu xilkan hayay” wanaagsan