Warbixin: Kulankii madaxweyne Farmaajo iyo madaxda maamulka goboleedyada ‘sawirro’

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyey kulan hordhac u ah shirka wadatashiga dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka.

Kulankan ayaa ku saabsanaa sidii loo jaangoyn lahaa qodobbada muhiimka u ah wadatashiga heer Federaal iyo heer dowlad goboleed, hannaanka geeddi socodka siyaasadda doorashooyinka iyo Amniga Qaranka.

Kulanka waxaa ka qeyb galay raiisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, Puntland Siciid Cabdullaahi Dani, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaan.

Kulankaan ayaa gogal xaal iyo is afgarad u ah kulanka weyn ee ay yeelanayaan madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email