Taliyeyaal ka tirsan ciidanka Puntland oo la xiray

Puntland ayaa xirtay labo sarkaal oo ka tirsan booliska gobolka Nugaal, waxaana xarigooda loo aaneeyey inuu sababay kadib markii ciidamo ay ku jiraan oo tababar loo geeyey magaalada Qardho ay halkaas gadood ka sameeyeen arrintaas oo markii dambe la xaliyey.

Saraakiisha la xiray ayaa kala ahaa taliye kuxigeenkii qaybta booliiska gobolka Nugaal Gaashaanle Cismaan Maxamuud Buraale Faarax (Suleembe) iyo taliyihii saldhiga bartamaha Garoowe Dhamme Maxamuud Muuse Bile Xuseen (Fardafuul).

Puntland ayey caado ka noqotay inay ciidamada dowladu gadoodaan iyagoo ka cabanaya mushahar la’aan.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email