Soomaaliya oo wajaheyso hoos u dhac dhaqaale oo xoogan

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda dowlada Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ka warbixiyay saameynta dhaqaale ee uu la yimd cudurka Covid 19 iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay xoojinta koboca dhaqaale.

Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, wasiirka maaliyadda Soomaaliya

Wasiirka, ayaa xusay in uu hoos u dhac xoogan uu ku yimid dhaqaalihii ka imaan jiray dekedah iyo garoomada diyaaradaha, taasina ay sababtay in ay yaraadaan dhaqaalihii soo galayey wasaaradda maaliyadda, loona baahday kab miisaaniyadeed oo la weydiisto caalamka.

Wasiir eyle,ayaa ka dhawaajiyay in isbadal lagu sameeyay miisaaniyadda , ka dib markii 70 milyan uu hoos u dhacay daqligii kutalagalka ee u degsanaa dowladda, wuxuuna intaa raaciyay in dadaal weyn loo galay sidii Dowladu ay u dabooli laheyd baahida adeegyada bulshada,isla markaana looga hortagi lahaa cudurka Cononavirus.

Wasiirka wasaaradda maaliyadda Cabdiaxmaan Ducaale Beyle, waxa uu ka mahadceliyay dadaalka beesha caalamku ay u galeen ka gortagga cudurka Covid 19,Isagoo qiray in haddii, laga gudo marxaladda cudurka lagu dhaqaaqi doono kordhinta dhaqaalaha dalka.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email