Somaliland oo mamnuucday bandhig faneedyada maalmaha Ciida

Somaliland ayaa sheegtay in dhammaan deegaanadeeda wax bandhig faneed ah aan lagu qaban karin maalmaha lagu jiro Ciidda Carrafo.

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdullaahi Axmed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Somaliland aysan ogolaan doonin in wax bandhig faneed ah maalmaha Ciidda lagu qabto guud ahaan Somaliland.

Wasiirka ayaa hadalkiisa Ku daray in sababta loo joojiyay bandhig faneedyada ay tahay maadaama ay ka baxsan yihiin dhaqanka iyo Diinta suubban islamarkaana ay wataan fasahaad iyo dhaqan xumo aan bannaanayn.

Sheekh Khaliil ayaa sidoo kale xusay in ciidanka Booliiska Somaliland ay ku amran yihiin in ay tallaabo ka qaadaan cid kasta oo u hoggaansami wayda amarka Xukuumadda ee ku aaddan mamnuucidda bandhig faneedyada.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email