Somaliland iyo Taiwan oo sheegay in heshiis cusub kala saxiixday

Xukuumadda Somaliland iyo dalka Taiwan ayaa kala la saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan xiriirka wanaagsan oo u bilaabmay labadan dal ee aan haysan aqoonsi caalami ah.

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Faratoon oo dhawaan  booqday magaalada Taipei ee caasimadda Taiwan iyo dhigiisa ayaa heshiiska kala saxiixday, waxaana Taiwan ay aqoonsatay baasaboorka Somaliland.

Wasaaradda Arrimaha dibadda Taiwan ayaa qoraal ay soo saartay waxaa ay ku sheegtay in Somaliland ay tahay dal ay aad u kala fog yihiin, balse ay wadaagaan Jacayl qoto-dheer oo xorriyadda iyo dumiqraadiyadda ah.

Wasiir Yaasiin Maxamuud Faratoon iyo dhigiisa Taiwan ayaa sidoo kale ku heshiiyay xoojinta xiriira ka dhexeeya labada dhinac, isla markaana lagu saleeyo dhinacyo kala duwan, waxaana dalka Taiwan uu ku yaallaa bariga Qaaradda Aasiya.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email