Siihayaha xilka ra’iisul wasaaraha oo shir guddoomiyay shirka golaha wasiirada oo arrimo muhiim looga hadlay ‘sawirro’

Siihayaha xilka ra’iisul wasaaraha ahna ra’iisul wasaare kuxigeen Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta guddoomiyay shir ay yeesheen golaha wasiirrada oo looga hadlay amniga dalka, xaaladda COVID-19 iyo dib u furidda dhammaan adeegyadii iyo shaqooyinkii u xirmay cudurka COVID-19 dartiisa.

Shirka golaha ayaa sidoo kale lagu amaanay dadaalkii iyo waxqabadkii ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre uu la yimid muddadii uu xukuumadda hoggaaminayay.

Siihayaha Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo ka war bixiyay natiijada kulanka ayaa caddeeyay in golohu isku raacay in goobaha waxbarashada, garoomada diyaaradaha iyo dhammaan adeegada muhiimka u ah bulshada dib sidoodii loogu soo celiyo maadaama ay hoos u dhacday khatarta safmarka Feyruska Karoona.

Golaha ayaa bogaadiyay taageerada ay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed la garab taaganyihiin saaxiibada Soomaaliya, waxayna codsadeen inay sii wadaan taageerada.

Golaha wasiirada ayaa beesha caalamka iyo saaxiibada Soomaaliya ka codsadeen inay ixtiraamaan madaxbanaanida, dastuurka iyo go’aamada hey’adaha dastuuriga ee dowladda. Waxayna u soo jeediyeen wixii talo ama tusaaleyn in ay u soo marsiiyaan marinnada diblamaasiyadda ee caalamiga ah.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email