Siihayaha xilka ra’iisul wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed oo kormeeray wasaaradda Maaliyadda ‘Sawirro’

Siihayaha xilka ra’iisul wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta kormeer ku tegey xarunta Wasaarada Maaliyadda ee Dowlada Federalka magaalada Muqdisho.

Kormeerka  ayaa la xiriirtey sidii uu Sii Hayaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ugu kuurgeli lahaa howlaha shaqo ee ay Wasaaradda Maaliyadda hayso, waxana uu mas’uuliyiinta wasaaradda kala hadlay dardar gelinta shaqooyinka iyo in isbedelada jira aysan saameyn ku yeelan socodsiinta howlaha ay qaranka u hayaan.

Siihayaha Wasiirka Maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaalle Beyle oo soo dhoweeyay sii hayaha ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in ay ka wada hadleen dib u habeynta dhaqaalaha iyo qodobo kale.

“Waxa aan ka wada hadalnay ku simaha ra’iisul wasaaraha dar-dar galinta howlaha Maaliyadda, sida dib-u-habeynta dhaqaalaha, sare u qaadidda dakhliga dalka iyo saameynta dhaqaale ee Covid-19” ayuu yiri sii hayaha Wasiirka maaliyadda”ayuu yiri wasiir Beyle.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email