Shirka madaxda maamul goboleedyada ee Dhuusamareeb oo dib u dhacay iyo wararkii ugu dambeeyey

Shirka Wadatashiga Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya oo lagu wadey inuu maanta oo Jimce ah ka furmo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ayaa dib u dhac ku yimid.

Shirkaan oo ay matigelinayso Galmudug ayaa ah kii ugu xaasisanaa ee yeeshaan madaxda dowlad gobaleedyada gaar ahaan xilligaan kala guurka ah, iyada oo diiradda lagu saari doono arrimaha amniga, doorashada iyo qodobo kale.

Warar lagu kalsoonaan oo ay heshay Xorriya Online ayaa xaqiijinaya in uu dib u dhac ku yimid shirka balse maalinta berri ah uu si rasmi ah u furmi doono. Illaa iyo hadda maamulka Galmudug kama hadlin sababta ka dambeysa dib u dhaca shirka.

Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa lagu soo waramayaa inay illaa xalay yeelanayeen kulamo gooni gooni ah oo ay isku arkayaan. Kulamadaan ayaa lagu sheegay in ay yihiin is xog wareysi iyo mideynta aragtida ka hor inta uusan shirka si rasmi ah u furmin.

Dhuusamareeb ayaa waxaa ku sugan madaxda dowlad goboleedyada, marti sharaf badan, sarakiil iyo dad badan oo daneeyo siyaasadda Soomaaliya.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email