Shirka madaxda dowlad goboleedyada oo galay maalinti labaad iyo wararkii ugu dambeeyey

Waxaa maalintii labaad galay shirka ka socda magaalada Dhuusamareeb ee u dhaxeeya madaxda dowlad goboleedyada dalka kajira, kaas oo uu marti geliyay dowlad goboleedka Galmudug.

Shirka oo shalay furmay ayaa waxaa khudbado ka jeediyay dhamaan madaxda shanta dowlad goboleed, iyaga oo soo jeeiyay in xal laga gaaro khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada, iyo in doorashada madaxweynaha dalka waqtigeeda lagu qabto.

Maanta ayaa la filayaa in shirka la sii amba qaado, isla markaana madaxda maamul goboleedyada ay ka doodi doonaan nooca doorasho ee la qaban karo maadaama sida muuqata aaney suuragal aheyn in doorasho qof iyo cod ah ay xilligan dhacdo dalka.

Shirka ka socda Dhuusamareeb ayaa waxaa ay madaxda horay u sheegeen in uu gogol xaar u yahay qabsoomida kulan u dhaxeeya madaxda dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Sida uu qorshaha yahay gelinka dambe ee maanta ayaa la filaya in shirka la soo gebagabeeyo, isla markaana laga soo saaro war murtiyeed iyo waxa xigi doono sharkaan.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email