Roobab sababay dhimashada lix carruur oo ka da’ay Muqdisho

Roobab ka da’aya magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku dhow dhow ayaa sababay in lix carruur ah ay ugu geeriyoodaan 24kii saac ee la soo dhaafay.

Lixdan carruurta ah ayaa afar ka mid ah waxa ay ku geeriyoodeen agagaarka xerada Maslax ee degaanka Garasbaaley kadib markii uu ku soo dumay darbi, halka labo carruur ah ay ku dhinteen god ay biyo galeen oo ku yiil degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho.

Afarta carruurta ah ee ku geeriyootay kadib markii uu darbi ku soo dumay ayaa waxa ay ka mid ahaayeen carruurta qoysaskooda ay ku nool yihiin xeryaha barkacayaasha ah.

Roobabka ka da’aya magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale sababay inay xirmaan qaar ka mid ah wadooyinka magaalada iyadoo sidoo kale ay saameeyn ku yeesheen kumanaanka qoys ee barkacayaasha ah.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email