Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax oo geeriyooday


Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax ayaa saaka ku geeriyooday dalka Turkiga, sida ay ehelladiisa xaqiijiyeen.

Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax

Xasan Abshir Faarax ayaa muddo xanuunsanaa, waxaana uu ahaa 77 sano jir.

Xasan Abshir waxa uu xilal ka duwan kasoo qabtay Soomaaliya, isgaoo soo noqday Ra’isul Wasaare xilligii dawladii Madaxweyne Cabduilqaasim Salaad Xasan.

Sidoo kale Xasan Abshir Faarax waxa uu soo noqday duqii magaalada Muqdisho xilligii dawladdii hore ee Maxamed Siyaad Barre.

Sannadihii u dambeeyey Xasan Abshir Faarax waxa uu xubin ka ahaa baarlamaanka federaalka Soomaaliya ka hor intii uusan ka fariisanin siyaasadda.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email