Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo ku wajahan magaalada Garoowe

Magaalada Garoowe ee caasimadda maamulka Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah waxaa laga dareemayaa qaban qaabada soo dhaweynta ra’iisul wasaaraha xukuumadda fedraalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

U jeedada safarka ra’iisul wasaaraha ayaa salka ku heysa ka qeyb galka aaska qaran ee loo sameynayo Allaha u naxariistee ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax oo ku geeriyooday dalka Turkiga.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda fedraalka Soomaaliya oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo xubno ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka ayaa garoonka Aadan Cadde salaadda Janaasada kula dukaday meydka oo lagu wado in loo soo gudbiyo Garoowe.

Garoowe ayaa waxaa ku sugan madaxda maamul goboleedyada Galmudug, Jubbaland iyo mas’uuliyiin faro badan oo ka qeyb galayo aaska marxuum Xasan Abshir Faarax.