Ra’iisul wasaare Kheyre oo si weyn laagu soo dhaweeyey magaalada Dhuusamareeb ‘Sawirro’

Ra’iisal wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane  Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhoweyd ka digey garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee  magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Ra’iisal wasaaraha Khayre  iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaaladaasi iyada oo soo dhaweynta ra’iisul wasaaraha uyo wafigiisa illaa saakay laagu jiray diyaar garoow ballaaran.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islmaan, madaxweynaha, Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, madaxweynaha Koofur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed, wasiiro iyo xildhibaanno ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedka Galmudug, mas’uuliyiin iyo madaxdii ka qeyb gashay shirkii Dhuusamareem iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa soo dhaweeyay ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa.

Ra’isul wasaaraha Xasan Cali Kheyre ayaa lagu wadaa inuu kulamo la qaato madaxda maamul goboleedyada oo iyaguna ku sugan Dhuusamareeb, oo uu maalmihii u dambeeyay uga socday kulamo gooni gooni ah.

Madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa ka wada-hadli doona arrimaha  la xiriira arrimaha doorashooyinka iyo sidii loo adkeyn lahaa wadashaqeynta dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka.

Ugu dembeyn magaalada Dhuusamareeb ayaa markale marti-gelin doonta shir u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamulada, iyada uu soo dhammaaday wajigii kowaad ee shirka wadatashiga madaxda dowlad goboleedyada dalka.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email