Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo ku wajahan Dhuusamareeb

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa lagu waddaa in uu saacaddaha soo socda uu gaaro magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Diyaargarowga iyo soo dhaweynta ra’iisul wasaaraha ayaa si weyn halkaas uga socdo.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in shirka maamul goboleedyadda uu kusoo dhammaaday si wanaagsan, islamarkaana maalmaha soo socda uu furmi doono shir kale oo ay kasoo qeyb gali doonaan madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa lagu wada in maalinta Khamiista uu halkaas isna safar ku tago si uu u shir gudoomiyo wajiga labaad ee shirka ka furmayo Dhuusamareeb.

Waxaa muuqato in madaxda dowladda dhaxe ay aqbaleen baaqii madaxda maamul goboleedyada ee ahaa in shir wada tashi iyo khilaaf bixin ah lays kugu yimaado Dhuusamareeb.

Dhamaan madaxda maamul goboleedyada ayaa weli ku sugan Dhuusamareeb.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email