Ra’iisul wasaare Kheyre oo ka tacsiyeeyay geerida ra’iisul wasaarihii hore Xasan Abshir

Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ummadda Soomaaliyeed iyo qoyskii uu ka baxay ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Xasan Abshir Faarax.

”Waxaan tacsi u dirayaa Ummadda Soomaaliyeed iyo Qoyskii uu ka baxay Ra’iisul Wasarihii hore ee dalka Xasan Abshir Faarax. Waxa uu kaalin muhiim ah ka soo qaatay dib-u-dhiska dalkeena. Waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, innagana uu samir naga siiyo.”

Marxuum, Xasan Abshir Faarax oo ahaa Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa sidoo kale soo qabtay xilal kala duwan.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email