Ra’iisul Wasaare Kheyre oo booqday Safaarada Soomaaliya ee dalka Qadar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa booqday Safaarada Soomaaliya ee dalka Qadar.

Ra’iisul Wasaaraha Kheyre iyo wafdi oo hogaaminaayo oo maalmahaani booqasho ku jooga magaalada Dooxa ayaa booqday safaarada Soomaaliya ee dalka Qadar isga iyo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee dalka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed.

Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa waxaa safaaradda ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee Qatar, waxaana ay uga warbixiyeen howlaha ay bulshada u qabtaan.

Mudane Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Dalka iyo xubnaha la socda ayaa booqasho u jooga dalka Qatar, iyagoo kulamo la leh madaxda sare ee dalkaas iyo Soomaalida halkaas ku nool.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email